Shirka La-tashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka oo Muqdisho ka dhacaya

Waxaa goor dhow Magaalada Muqdisho ka furmay wajiga labaad ee Shirka La-tashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka, kaasoo diiradda lagu saarayo wax ka beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka.

Shirka waxaa soo agaasimay hay’adaha dowladda ee ugu xil-saaran arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, waxaana sidoo kale ka qayb galaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda iyo xubno ka socota guddiga Baarlamaanka ee qaabilsan arrimaha Dastuurka.

Wajiga koowaad ee shirka, oo horay uga dhacay Muqdisho, ayaa si weyn loogu gorfeeyay arrimaha ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka. Wajiga labaad ee hadda furmay ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dib u eegista iyo falanqeynta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka, kuwaas oo si qoto dheer loogu lafa-guri doono.

Waxaa lagu wadaa in shirka uu noqdo mid muhiim ah, iyadoo la doondoonaayo sidii loo hagaajin lahaa qodobadaas, isla markaana loo waafajin lahaa baahida iyo duruufaha hadda jira ee dalka.

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan wax ka bedelka Dastuurka ayaa sidoo kale ka mid ah xubnaha ka qeyb galaya shirka, iyagoo ka qeyb qaadanaya doodaha iyo talo bixinta ku saabsan sidii loo dhameystiri lahaa tallaabooyinka lagu hagaajinayo Dastuurka.

Shirka ayaa ah fursad muhiim ah oo loogu talagalay in la xoojiyo wada-tashiga iyo isla-xisaabtanka dowladda iyo hay’adaha kale ee qeyb ka ah geedi socodka wax ka beddelka Dastuurka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles