Saturday, July 18, 2026

Saraakiil tegay Fariisimaha Ciidanka Xoogga ee Shabeellaha dhexe

Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa safar kormeer ah ku tagey gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay si qoto dheer u baareen xaaladda saldhigyada ciidanka ee ku yaal gobalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Janeraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo hoggaaminayey wafdiga, ayaa xaqiijiyey in socdaalkiisu uu salka ku hayo dardar-gelinta iyo xoojinta dagaalka lagu jiro Al-Shabaab ee dalka ka jira.

Ujeedada socdaalka ayaa ahayd in la kormeero saldhigyada ciidanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Taliyaha iyo saraakiisha la socday ay booqdeen saldhigyo muhiim ah oo ku yaal deegaanka Garsaalo, oo hoos taga degmada Jowhar.

Taliska ciidanka iyo saraakiisha kale ee goobta ka hawlgala ayaa kulan muhiim ah la qaatay ciidanka xoogga iyo hoggaamiyeyaasha sare ee goobta.

Taliyaha ayaa si gaar ah u amray in la sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyey in ciidanka ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in dalka looga saaro.

Guutooyinka 3-aad iyo 25-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo si weyn ugu hawlan howlgallada, ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyey deegaanka Garsaalo, waxaana uu ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen hawlgallada ka socda gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in Mareykanku isticmaalo dhulkooda

Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in ay u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Puntland oo Toogasho ku Fulisay Eedeysanihii dilay Taliyihii Booliska Jariiban

Ninkii loo haystay dilka Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban...

Iiraan oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka soo gaaray weerarrada Mareykanka

Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan ayaa sheegtay in duqeymihii Mareykanka...

Taliye Jimcaale oo tagay Garoowe iyo kulamo socda

Taliyaha ciidamada Danab Gen. Jimcaale Jaamac Takar ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles