Saturday, May 23, 2026

DFS oo sheegtay in Xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayay falal amni darro iyo weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka ayaa lagu dilay lix xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la burburiyay hub iyo agab ay adeegsanayeen kooxdaasi.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee dalka, gaar ahaan deegaanada ay kooxda Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan ama ay ka abaabulaan falalka argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay sii laba jibbaari doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida dalka.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada, si loo xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada taageera ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ka socda gobollada dalka, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimaha iyo xubnaha kooxda Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha KGS oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Turkiga oo Qodista Shidaalka Soomaaliya ku dhammeystiraya 9 Bilood gudahood

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in howlgalka...

Booliiska Muqdisho oo Xiray Dad Lagu eedeeyay Rabshado iyo Carqaladeynta Amniga

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska Qaybta Guud ee...

Isra’iil oo amar ku bixisay in ay guuraan dadka degan Lubnaan

Ciidanka Israel ayaa soo saaray “amar daad-gureyn” ah oo...

Trump oo isku diyaarinaya weerar uu ku qaado Iran

Warbaahinta CBS News ayaa werisay in Mareykanka ay isku...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles