Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal abaabulan oo rabshado iyo saxmad looga sameeyay goobaha hubinta amniga ee magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Booliiska, eedaysanayaashan ayaa lagu qabtay iyagoo falal khatar gelinaya amniga, xasilloonida iyo isu socodka shacabka ka sameynayay goob ay ciidamada amniga ka sugayeen nabadgelyada caasimadda.
Hay’adaha amniga ayaa sheegay in hadda ay socdaan baaritaanno hordhac ah oo lagu sameynayo dadka la qabtay, waxaana la qorsheynayaa in loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo mariyo. Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay wali baadi-goobayaan shaqsiyaad kale oo la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen falalkan.
Booliiska ayaa markale bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan falal kasta oo dhaawici kara amniga iyo xasilloonida magaalada, iyagoo xusay inaan la oggolaan doonin bannaan-baxyo ama isu imaatin aan fasax rasmi ah ka haysan hay’adaha amniga.
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in cid kasta oo lagu helo falal rabshado wata ama wax u dhimaya amniga guud laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo adag, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo kala dambeynta caasimadda Muqdisho.


