Turkiga oo Qodista Shidaalka Soomaaliya ku dhammeystiraya 9 Bilood gudahood

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in howlgalka sahminta shidaalka ee Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya uu yahay mid taariikhi ah, maadaama uu yahay mashruucii ugu horreeyay ee qodis shidaal badeed qoto dheer ah oo Ankara ka fuliso meel ka baxsan dalkeeda.

Erdoğan ayaa xusay in howlgalka uu si habsami leh u socdo, isla markaana haddii xaaladaha cimilada iyo badda ay wanaagsan yihiin, la filayo in qodista lagu soo gabagabeeyo muddo u dhexeysa lix ilaa sagaal bilood.

Madaxweynaha Turkiga ayaa muujiyay rajo weyn oo ku aaddan natiijada sahminta, isagoo sheegay in dowladda Turkiga ay rajeynayso inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto war wanaagsan oo la xiriira khayraadka shidaalka ee ku jira xeebaha dalka.

“Rajadeennu waa inaan gaarsiino shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo sannado badan la daalaa dhacayay xasillooni darro iyo macluul, war wanaagsan oo ay muddo dheer sugayeen,” ayuu yiri Erdoğan.

Turkiga ayaa sanadihii dambe si weyn u ballaariyay maalgashigiisa iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sahminta khayraadka dabiiciga ah.

Mashruuca shidaal baarista ee hadda socda ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya haddii la helo keyd shidaal oo ganacsi ahaan looga faa’iideysan karo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles