Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha KGS oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Safarkan shaqo ayaa ahaa qiimeynta xaaladaha guud ee degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Diinsoor.

Masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee degmada.

Safarka ayaa qeyb ka ah dadaallada KGS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu kuurgelayaan xaaladaha deegaannada, si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo adeegyada bulshada, loona taageero mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles