Thursday, July 30, 2026

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Bulshada Rayidka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga xaqiijiyey amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo codka ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada qaranka iyo kobcinta ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo toos ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey doorka bulshada rayidka ah ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo Madaxweynuhu uu ku bogaadiyey bulshada rayidka doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, xubnaha bulshada rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xoojinta dimuqraadiyadda, daahfurnaanta dowladnimada, dardargelinta horumarinta adeegyada bulshada iyo adkaynta wada shaqaynta dowladda iyo shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

M/weyne Xasan Shiikh oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliye Shub oo hanjabaad culus u diray Aadan Madoobe

Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha ciidamada Africom

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la...

Muhoozi oo ugu baaqay dalalka AUSSOM inay mideeyaan dadaallada

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (CDF), General Muhoozi...

MW Xasan Sheekh oo maanta la kulmaya Taliyaha AFRICOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles