Mareykanka oo weerar ku qaaday Koofurta Iran

Maraykanku wuxuu sheegay inuu qaaday duqeymo cusub oo ka dhacay koonfurta Iran, isagoo bartilmaameedsaday goobaha gantaallada Iran iyo doomo isku dayayay inay miinooyin dhigaan.

Duqeymahan waxaa loo qaaday “is-difaac ahaan” waxaana loogu talagalay “in lagu ilaaliyo ciidamadeenna khataraha akaga imaanaya ciidamada Iran,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Taliska Dhexe ee Maraykanka (US Central Command).

Afhayeenka Taliska Dhexe, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku “ay sii wadaan difaaca ciidamadooda iyagoo muujinaya is-xakameyn inta lagu jiro xabbad-joojinta socota” ee u dhexeysa labada dal.

Iran weli kama aysan jawaabin weerarka Maraykanka, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baqai, ayaa hore u sheegay in inkastoo horumar laga sameeyay wadahadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, haddana heshiis “uusan dhaweyn”.

Lama oga saameynta ay duqeymahani ku yeelan doonaan heshiis kasta oo nabadeed oo suurtagal ah oo dhex mara Maraykanka iyo Iran.

Kadib duqeymaha, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in heshiis weli suurtagal yahay, isagoo tilmaamay wada-hadalladii Talaadadii dhex maray wada-xaajoodaha ugu sarreeya Iran, wasiirka arrimaha dibadda Iran, iyo ra’iisul wasaaraha Qatar.

WARARKII KALE

Doorashada Mareykanka oo maanta bilaabatay

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaado...

Jubbaland oo DDS ku wareejisay nin dilal ka geystay Itoobiya oo baxsad ahaa

Maamulka Jubbaland ayaa maanta maamulka Gobolka Liibaan ee Dowlad...

Jaamacadda Carabta oo garab istaagtay Soomaaliya, kana hortimid tallaabada Israa’iil ee Hargeysa

Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah u cambaareysay tallaabada...

Hindiya oo markab burcad-badeeddu qabsadeen ka furtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqday inay howlgal milatari oo...

Golaha Mustaqbalka oo magacaabay saddex xubnood oo wadahadal la furaya DFS

Shirar kala duwan oo uga socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed...

Trump oo labo dal oo Afrika ah ka saaraya heshiiska ganacsi ee Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa aqalka Congress-ka Mareykanka ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles