Israa’iil oo weerar ku qaaday Xisbullah

Ciidanka milateri ee Israa’iil ayaa sheegaya inuu bilaabay mowjad weeraarro ah oo ka dhacday Lubnaan, ka dib markii Raysal Wasaaraha Benjamin Netanyahu ku dhawaaqay in dalkiisu xoojinayo weeraradiisa ku wajahan Xisbullah.

ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inuu weeraarro ku qaadday goobaha Xisbullah ee ku yaalla Dooxada Bekaa ee bariga Lubnaan iyo aagag dheeraad ah oo dalka ka tirsan.

Taasna waxaa ku xigtay bayaan muuqaal ah oo uu Netanyahu ku yidhi Israa’iil waxay “dagaal ku la jirtaa Xisbullah” isla markaana uu siiyay ciidanka tilmaamo ah inay “duqeeymo wax burburiya fuliyaan”.

Bilowga bishaan, Lubnaan iyo Israa’iil waxay ku heshiiyeen in la sii kordhinno xabad-joojin 45-maalmood ah, inkastoo dagaallo yar ay sii socoto.

Netanyahu ayaa sheegay in howlgalka milateri ee Israa’iil ee ka dhanka ah Xisbullah uu “baabi’iyay… in ka badan 600 argagixiso ah.”

Tan iyo markii heshiiska xabad-joojinta la saxiixay 16-kii Abriil, weerarada Israa’iil ayaa inta badan ku xadidnaa koonfurta dalka, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay ku sugan yihiin oo ay Israa’iil ka sheegtay in drones-ka iyo gantaalaha laga soo ridday.

Dooxada Bekaa, oo Isniintii habeenkii lagu garaacay, waxay ku taallaa bariga Lubnaan, xaddiga Suuriya u dhow.

Ballaadhinta ololaha Israa’iil waxay timid xilli dowladda Iran ay adkeysanaysay in heshiis nabadeed oo soo baxaya oo ay la gaadho Maraykanka uu ku jiri lahaa xabad-joojin buuxda oo ka dhacda dhammaan meelaha dagaalka gobolka ka socdo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles