MW Xasan Sheekh oo ku jira Imtixaankii ugu adkaa ee Galmudug iyo Mahad Salaad oo la saftay Qoor qoor

Khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ka aloosan maamulka Galmudug, iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in siyaasiga Liibaan Axmed Xasan (Shuluq) loo diyaariyo hoggaanka Galmudug, halka Madaxweyne Qoorqoor uu si adag u taagan yahay inuu sii joogo talada maamulkaasi, arrintaas oo sii xoojisay kala aragti duwanaanta labada dhinac.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad uu la saftay Madaxweyne Qoorqoor, haddii uusan isaga heli karin kursiga hoggaanka Galmudug, taas oo sii murjisay xaaladda siyaasadeed ee maamulka.

Xiisaddan oo maalmihii dambe si weyn usoo ifbaxaysay ayaa hadda gashay marxalad cusub oo xasaasi ah, kadib markii ay soo baxayeen warar muujinaya dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo culus oo laga dareemayo deegaannada Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Kulamo xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay xaaladda Galmudug, kuwaas oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo tallaabooyinka ay dowladda federaalka qaadi karto si loo xakameeyo xaaladda

Wararka qaar ayaa sheegaya in abaabul ciidan iyo guluf colaadeed uu ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed isu beddelo mid amni oo halis ku noqda xasilloonida Galmudug iyo guud ahaan dalka.

Xaaladdan cakiran ayaa si weyn indhaha loogu hayaa saameynta ay ku yeelan karto dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya iyo muran ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka.

Dad badan ayaa aaminsan in xiisadda Galmudug ay noqon karto imtixaan siyaasadeed oo culus oo wajahaya Villa Somalia, maadaama Galmudug ay kamid tahay maamullada sida dhow ula shaqeeya dowladda dhexe.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku jahwareersan yahay sida loo maareyn karo khilaafka sii xoogeysanaya iyo sidii uu u qancin lahaa siyaasiyiinta iyo xubnaha xisbiga JSP ee kala taageersan dhinacyada isku haya hoggaanka Galmudug.

Dhanka kale, siyaasiyiin iyo taageerayaal kala taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa saacadihii ugu dambeeyay dagaal qoraaleed iyo olole siyaasadeed oo kulul ku dhexmarayay baraha bulshada, taas oo sii hurinaysa xiisadda taagan.

Dad badan ayaa ka digaya in haddii aan xal degdeg ah laga gaarin muranka jira, ay xaaladdu isu beddeli karto khalalaase amni iyo mid siyaasadeed oo saameyn weyn ku yeesha guud ahaan Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado la xiriira amniga, doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda wajahaya mid kamid ah imtixaannadii siyaasadeed ee ugu adkaa muddooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo sida uu u maareeyo xiisadda Galmudug ay go’aamin karto heerka awoodda siyaasadeed ee Villa Somalia bilaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles