Ruto”Ammaanka Soomaaliya iyo Siyaasadda Dalka ayaa Hortaagan Furista Xadka”

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya uusan dib u furmi doonin waqtigan, sababo la xiriira xaaladaha amni, khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo caqabado dhanka maalgelinta howlaha amniga ah.

Ruto oo wareysi siiyay warbaahinta waqooyiga Kenya ayaa sheegay in dowladdiisu ay wali qiimeyneyso xaaladda ka jirta Soomaaliya, si loo helo isu dheellitir u dhexeeya amniga iyo ganacsiga.

“Waxaa jira dheelitir adag oo u dhexeeya amniga iyo ganacsiga, waana in labadaba la ilaaliyaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Wuxuu sheegay in Kenya ay kharash badan ku bixisay sugidda amniga xadka iyo howlgalada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya, si looga hortago khataraha kooxaha hubeysan.

Sidoo kale, Ruto ayaa tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo kala qeybsanaanta ka jirta ay caqabad ku noqdeen dadaalladii dib loogu furi lahaa xadka labada dal.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in weli aan la helin hannaan maaliyadeed oo waara oo ay taageerayaan beesha caalamka, si loo sii wado howlaha amniga Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay dib u dhigtay qorshaha dib u furista xadka.

Dhanka kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ganacsiga xuduudaha iyo iskaashiga gobolka, isagoo xusay in ururrada gobolka sida East African Community, COMESA iyo African Continental Free Trade Area ay muhiim u yihiin fududeynta ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha gobolka.

“Ganacsigu waa faa’iido u wada leh dhammaan dalalka gobolka, waana sababta aan u dooneyno inaan yareyno caqabadaha ganacsiga,” ayuu yiri Ruto.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dowladdiisu ay wali ka fiirsaneyso fursadaha dib loogu furi karo xadka Soomaaliya, balse ay muhiim tahay in marka hore la xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles