Gaari Tesla ah oo ku qarxay bannaanka Hotel uu leeyahay Donald Trump

Qarax gaari, ayaa ka dhacay afaafka hore hotel uu leeyahay Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, hotelka qaraxa uu ka dhacay oo ah mid caan ah ayaa ku yaalla magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada.

War kasoo baxay booliiska magaalada Las Vegas, ayaa lagu sheegay in ay baarayaan qaraxan ka dhashay gaari nooca loo yaqaan ‘Tesla Cybertruck’ ,  waxaana booliiska si gaar ah u baarayaan in qaraxan uu yahay mid argagaxiso iyo in kale.

Booliiska waxa ay sheegeen in qaraxan uu ku dhintay darawalkii gaariga qarxay waday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay todobo qof oo kale oo la dhigay xarumo caafimaad, waxa ayna sheegeen booliiska dadka dhaawacyada qaba in aysan xaaladooda cusleyn.

Gaariga xamuulka ah ee qarxay ayaa laga soo kireeyay gobolka Colorado, waxaana gaariga la sheegay in uu qarxay markii uu tagay afaafka hore ee hotelka uu leeyahay Madaxweyne Trump, gaariga ayaana la sheegay inta uusan qarxin kahor uu bilaabay in uu qiiqo kaddibna uu sameeyo qarax.

Laamaha ammaanka dowladda Mareykanka ayaa baaraya in qaraxan xiriir kala dhaxeeyo weerar gaari iyo rasaas loo adeegsaday oo saacdao kahor qaraxa ka dhacay magaalada New Orleans, weerarkan ayaana lagu dilay dad gaaraya 15-qof , halka tiro intaas kabadana lagu dhaawacay.

Gaariga qarxay ee Tesla, ayaa waxaa soo saarta shirkad uu leeyahay bilyaneerka Elon Musk oo saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Trump, waxa ayna maamulka shirkadda sheegeen in baarayaasha kiiskan kala shaqeenayaan qaraxa ka dhashay gaarigaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles