Ciidamada dowladda oo xoog ku galay Hotel Elite

Ciidamada dowladda ee weli ku sugan degmada Cabdicasiis oo ay saameyn ku leedahay xannibaadda amni ee socota tan iyo shalay ayaa maanta gudaha u galay hotelka caanka ah ee Elite Hotel ee deegaanka Liido.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay marka hore hubkii ka qaadeen ilaaladii hotelka, kadibna ay gudaha u galeen dhismaha. Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo dowladda kasoo saartay sababta howlgalka ama waxa lagu bartilmaameedsanayey.

Hotelka waxaa leh wasiirkii hore ee amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, oo kamid ah siyaasiyiinta dhowaan ku biiray mucaaradka dowladda. Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa lagu tiriyaa xubnaha door muuqda ku leh dhaqdhaqaaqyada mucaaradka, isla markaana ay qaraabo dhaw yihiin madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo degmada Cabdicasiis ay weli ka jirto xaalad amni oo kacsan kadib dhacdooyinkii iyo iska horimaadyadii siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxdo howlgalka iyo ujeeddooyinka ka dambeeyey marka ay mas’uuliyiinta amniga ama maamulka hotelka ka hadlaan dhacdada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles