Ciidamada dowladda oo xoog ku galay Hotel Elite

Ciidamada dowladda ee weli ku sugan degmada Cabdicasiis oo ay saameyn ku leedahay xannibaadda amni ee socota tan iyo shalay ayaa maanta gudaha u galay hotelka caanka ah ee Elite Hotel ee deegaanka Liido.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay marka hore hubkii ka qaadeen ilaaladii hotelka, kadibna ay gudaha u galeen dhismaha. Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo dowladda kasoo saartay sababta howlgalka ama waxa lagu bartilmaameedsanayey.

Hotelka waxaa leh wasiirkii hore ee amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, oo kamid ah siyaasiyiinta dhowaan ku biiray mucaaradka dowladda. Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa lagu tiriyaa xubnaha door muuqda ku leh dhaqdhaqaaqyada mucaaradka, isla markaana ay qaraabo dhaw yihiin madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo degmada Cabdicasiis ay weli ka jirto xaalad amni oo kacsan kadib dhacdooyinkii iyo iska horimaadyadii siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxdo howlgalka iyo ujeeddooyinka ka dambeeyey marka ay mas’uuliyiinta amniga ama maamulka hotelka ka hadlaan dhacdada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles