Musharixiinta KGS oo Qaadacay Doorashada iyo xaalad kacsan oo ka taagan Baydhabo

Doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya ee ka socota magaalada Baydhabo ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan kadib markii ay qaadaceen labo kamid ah murashaxiinta ugu waaweyn ee tartanka.

Murashaxiinta kala ah iyo ayaa si rasmi ah u shaaciyay in aysan ka qeybgalayn geeddi-socodka doorashada, haddii aan la sixin qodobbada ay hore u soo gudbiyeen ee la xiriira hufnaanta iyo daahfurnaanta hannaanka doorashada.

Labada musharax ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo ku sheegay in ay ka cabsi qabaan in doorashadu aysan u dhicin si cadaalad ah, iyagoo si gaar ah u dhaliilay guddiga doorashada iyo habraaca ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku maareyneyso geeddi-socodka.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in murashaxiintu ay shaki ka muujinayaan faragelin la xiriirta nidaamka doorashada, iyagoo tilmaamay in aan la helin jawi tartan oo siman.

Dhanka kale, xiisaddan siyaasadeed ayaa kusoo beegmeysa xilli hore loo qorsheeyay in maanta la dhageysto qudbadaha murashaxiinta, hase yeeshee qaadacaadda labada murashax ayaa xaaladda sii cakirisay.

Waxaa sidoo kale jirta hadal heyn ku saabsan murashax kale oo lagu tilmaamay “malxiis” oo sida la sheegay shahaadadiisa si hoose loo siiyay, taas oo dhalisay su’aalo la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada.

Murashaxiinta ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu diiday inuu xilka ka dego inta uu musharrax yahay, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid dhaawaceysa dhexdhexaadnimada tartanka.

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles