Musharixiinta KGS oo Qaadacay Doorashada iyo xaalad kacsan oo ka taagan Baydhabo

Doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya ee ka socota magaalada Baydhabo ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan kadib markii ay qaadaceen labo kamid ah murashaxiinta ugu waaweyn ee tartanka.

Murashaxiinta kala ah iyo ayaa si rasmi ah u shaaciyay in aysan ka qeybgalayn geeddi-socodka doorashada, haddii aan la sixin qodobbada ay hore u soo gudbiyeen ee la xiriira hufnaanta iyo daahfurnaanta hannaanka doorashada.

Labada musharax ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo ku sheegay in ay ka cabsi qabaan in doorashadu aysan u dhicin si cadaalad ah, iyagoo si gaar ah u dhaliilay guddiga doorashada iyo habraaca ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku maareyneyso geeddi-socodka.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in murashaxiintu ay shaki ka muujinayaan faragelin la xiriirta nidaamka doorashada, iyagoo tilmaamay in aan la helin jawi tartan oo siman.

Dhanka kale, xiisaddan siyaasadeed ayaa kusoo beegmeysa xilli hore loo qorsheeyay in maanta la dhageysto qudbadaha murashaxiinta, hase yeeshee qaadacaadda labada murashax ayaa xaaladda sii cakirisay.

Waxaa sidoo kale jirta hadal heyn ku saabsan murashax kale oo lagu tilmaamay “malxiis” oo sida la sheegay shahaadadiisa si hoose loo siiyay, taas oo dhalisay su’aalo la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada.

Murashaxiinta ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu diiday inuu xilka ka dego inta uu musharrax yahay, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid dhaawaceysa dhexdhexaadnimada tartanka.

WARARKII KALE

Ururka Qareennada Soomaaliyeed oo ka horyimid Habraac lagu Nidaaminayo Mihnadda Qareennimada

Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid...

Dowladda Soomaaliya oo saraakiil iyo Ciidamo dheeraad ah geysay Baydhabo

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo geysay saraakiil iyo ciidamo...

Deni“Heshiis kasta oo naga dhexeeyey Federaalka waa la laalay”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay go’aan...

Dood ka taagan xubinta cusub ee ururada Bulshada ee guddiga doorashada

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in tartan iyo...

Laftagareen oo Hakiyay Duulimaadyada Ciidamada iyo Agabka Ciidan ee Baydhabo

Xubnaha taabacsan madaxweynihii hore ee KGS Cabdicasiis Laftagareen ayaa...

Muwaadiniinta u dhashay Burundi oo durbaba bilaabay inay ka baxaan Kenya

Boqolaal muwaadiniin ah oo u dhashay dalka Burundi oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles