Doorashada Hoggaanka KGS oo ka bilaabatay Baydhabo iyo Shariif Xasan oo maqan

Doorashada hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Baydhabo, iyadoo uu weli ka maqan yahay mid ka mid ah musharraxiinta ugu waaweyn, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Cabdicasiis Maxamed Jawaari oo ka mid ahaa musharraxiinta cabashada ka qabay habsami-u-socodka doorashada ayaa gaaray hoolka doorashada, inkastoo wararku sheegayaan in shuruudihii iyo dalabaadihii ay hore u gudbiyeen isaga iyo Shariif Xasan aan waxba laga fulin.

Arrintan ayaa sii xoojinaysa aragtida ay qabaan qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda ee ah in doorashadu u socoto jihadii ay dowladda federaalku doonaysay, iyadoo indhaha badankoodu ku jeedaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ah musharrax dowladda ee guusha loo rabo.

Dhanka kale, wararka laga helayo gudaha hoolka doorashada ayaa sheegaya in uu dhacay buuq iyo gacan-ka-hadal kooban intii lagu guda jiray qaban-qaabada doorashada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin sababta keentay dhacdadaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan natiijooyinka doorashada, iyadoo xiisadda siyaasadeed iyo doodaha la xiriira hufnaanta geeddi-socodka doorashadu ay weli taagan yihiin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles