Doorashada hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Baydhabo, iyadoo uu weli ka maqan yahay mid ka mid ah musharraxiinta ugu waaweyn, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Cabdicasiis Maxamed Jawaari oo ka mid ahaa musharraxiinta cabashada ka qabay habsami-u-socodka doorashada ayaa gaaray hoolka doorashada, inkastoo wararku sheegayaan in shuruudihii iyo dalabaadihii ay hore u gudbiyeen isaga iyo Shariif Xasan aan waxba laga fulin.
Arrintan ayaa sii xoojinaysa aragtida ay qabaan qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda ee ah in doorashadu u socoto jihadii ay dowladda federaalku doonaysay, iyadoo indhaha badankoodu ku jeedaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ah musharrax dowladda ee guusha loo rabo.
Dhanka kale, wararka laga helayo gudaha hoolka doorashada ayaa sheegaya in uu dhacay buuq iyo gacan-ka-hadal kooban intii lagu guda jiray qaban-qaabada doorashada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin sababta keentay dhacdadaas iyo khasaaraha ka dhashay.
Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan natiijooyinka doorashada, iyadoo xiisadda siyaasadeed iyo doodaha la xiriira hufnaanta geeddi-socodka doorashadu ay weli taagan yihiin.


