Saturday, June 13, 2026

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo ay dagaalamayaal looga shakisan yahay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Lafey ee gobolka Mandheera.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan oo lagu qiyaasay ku dhowaad 10 dagaalyahan ay weerarka soo qaadeen, iyagoo rasaas ka furay meel qiyaastii 600 mitir u jirta saldhigga ciidamada.

Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad hubeysan oo socday dhowr daqiiqo, ka hor inta aysan kooxdii weerarka soo qaaday dib uga gurin goobta.

Wararka ayaa tilmaamaya in aanu jirin wax askar ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarka, sidoo kalena aan waxyeello soo gaarin saldhigga la bartilmaameedsaday.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya, isla markaana ay bilaabeen howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii fulisay weerarkaasi.

Gobolka Mandheera oo ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddo dheer wajahaya weerarro iyo falal amni darro oo lala xiriiriyo Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Hirshabelle

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles