Saturday, June 13, 2026

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), uu maalinta Axadda ah ee 14-ka Juun booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Israa’iil.

Jariidadda i24News ayaa qortay in Madaxweyne Ciro uu booqan doono xarunta Yad Vashem oo ah goobta lagu xasuusto dadkii Yuhuudda ahaa ee lagu laayey xasuuqii Holocaust-ka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay ku jiri doonto dalxiis uu ku mari doono Matxafka Taariikhda Holocaust-ka, Xarunta Xusuusta Carruurta, Buugga Magacyada Dhibbanayaasha iyo munaasabad xus ah oo lagu qaban doono Hoolka Xusuusta.

Guddoomiyaha xarunta Yad Vashem, Dani Dayan, ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland ku wehliyo dhammaan qaybaha booqashadiisa.

Sidoo kale, warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa sheegtay in safarkan uu noqon doono booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ku tago Israa’iil tan iyo markii uu xilka qabtay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira iskaashi diblumaasiyadeed, amni iyo horumarinta dhinacyo kala duwan, iyadoo la filayo in heshiisyo cusub la kala saxiixdo.

Illaa iyo hadda, Somaliland iyo Israa’iil si rasmi ah ugama aysan hadlin wararka la xiriira heshiisyada la sheegay in labada dhinac ay kala saxiixan doonaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Hirshabelle

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles