Netanyahu oo ka hadlay Aqoonsiga Somaliland iyo Qudus

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in sida Somaliland u raadinayso aqoonsi caalami ah, ay Israa’iil sidoo kale u dooneyso in dunidu u aqoonsato magaalada Qudus inay tahay caasimaddeeda rasmiga ah.

Netanyahu ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu magaalada Qudus kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, isagoo yiri:

“Sidii aad uga filaysaan dalalka inay aqoonsadaan madaxbannaanidiinna iyo xuquuqdiinna qaran, annaguna sidaas oo kale ayaan u aragnaa xuquuqdayada ku aaddan caasimaddayada Qudus (Jerusalem), waxay ahayd caasimadda shacabka Yuhuudda tan iyo xilligii Nabi Daa’uud ku dhowaad 3,000 sano kahor.”

Labada dhinac ayaa sidoo kale magaalada Qudus ku saxiixay Baaqa Istaraatiijiyadeed ee Iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in heshiiskan uu dhisayo xiriir istaraatiiji ah oo waara, isla markaana diiradda lagu saarayo dhinacyada beeraha, biyaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles