Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u cambaareysay furitaanka waxa ay ku tilmaantay “Safaaradda Somaliland” ee magaalada Qudusta la haysto, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay jebinayso sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in furitaanka xaruntan diblomaasiyadeed uu yahay isku day ay Israa’iil iyo maamulka Somaliland ku doonayaan inay sharciyeeyaan joogitaankooda dhul aysan lahayn wax xuquuq sharci ama siyaasadeed ah.

Falastiin ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo lagu beddelayo maqaamka sharci, juqraafi ama tirakoobka magaalada Qudus ay tahay mid aan waxba ka jirin, islamarkaana aysan yeelan karin wax saameyn sharci ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ay si wadajir ah u daah-fureen xarun diblomaasiyadeed oo ku taalla Qudus la haysto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa sidoo kale xustay in furitaanka safaarado iyo xafiisyo diblomaasiyadeed oo laga sameeyo magaalada Qudus ay si cad uga hor imaanayaan qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan qaraarrada 476 iyo 478 ee sanadkii 1980.

Dhanka kale, Falastiin ayaa markale muujisay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay ka hortagto tallaabooyinka lagu jebinayo sharciga caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles