Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u cambaareysay furitaanka waxa ay ku tilmaantay “Safaaradda Somaliland” ee magaalada Qudusta la haysto, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay jebinayso sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in furitaanka xaruntan diblomaasiyadeed uu yahay isku day ay Israa’iil iyo maamulka Somaliland ku doonayaan inay sharciyeeyaan joogitaankooda dhul aysan lahayn wax xuquuq sharci ama siyaasadeed ah.

Falastiin ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo lagu beddelayo maqaamka sharci, juqraafi ama tirakoobka magaalada Qudus ay tahay mid aan waxba ka jirin, islamarkaana aysan yeelan karin wax saameyn sharci ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ay si wadajir ah u daah-fureen xarun diblomaasiyadeed oo ku taalla Qudus la haysto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa sidoo kale xustay in furitaanka safaarado iyo xafiisyo diblomaasiyadeed oo laga sameeyo magaalada Qudus ay si cad uga hor imaanayaan qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan qaraarrada 476 iyo 478 ee sanadkii 1980.

Dhanka kale, Falastiin ayaa markale muujisay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay ka hortagto tallaabooyinka lagu jebinayo sharciga caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles