Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa 48-dii saac ee la soo dhaafay yeeshay kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray furitaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, kulamadan ayaa lagu isla qaatay in labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka dib loo furo muddo laba toddobaad gudahood ah, iyadoo dhawaan la filayo in la isugu yeero Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka si loo dardargeliyo howlaha horyaalla Baarlamaanka.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ajandaha ugu horreeya ee Baarlamaanka horyaalla uu noqon doono doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, taas oo durba abuurtay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo ololeyaal hoose oo ay wadaan musharraxiinta damacsan xilkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu saacadaha soo socda go’aan ka gaari doono musharraxa ay Dowladda Federaalka si rasmi ah u taageeri doonto, iyadoo ugu yaraan saddex siyaasi oo door muuqda ku lahaa isbeddelladii siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay ku jiraan tartanka.

Waxaa sidoo kale isa soo taraya hadal-heynta ku saabsan Cabdulqaadir Jaamac, oo dhawaan kursi xildhibaannimo kasoo qaatay Baydhabo, tallaabadaas oo loo fasirtay inay qeyb ka tahay qorshihiisa ku wajahan hanashada kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Saameynta Guddoomiyaha hadda xilka haya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa weli si weyn looga dareemayaa tartanka, iyadoo falanqeeyayaashu ay aaminsan yihiin in musharraxa heli kara isku raaca Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu fursad weyn u yeelan doono guusha.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa wali ku doodaya in aanay sharciyad buuxda lahayn doorasho lagu qabanayo Golaha Shacabka xilli ay sheegayaan inuu dhammaaday muddo-xileedkii Baarlamaanka, arrintaas oo sii hurin karta khilaafka siyaasadeed ee hareeyay hannaanka dowlad-dhisidda dalka.

Furitaanka Baarlamaanka iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay noqdaan imtixaankii siyaasadeed ee ugu horreeyay ee dowladda iyo mucaaradka ay isku arkaan bilaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles