QoorQoor iyo Mahad Salaad oo wada-hadallo ugu socda Dhuusamareeb 

Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in wada-hadalladu sii socdaan maalinta berri ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamada looga hadlay arrimo siyaasadeed iyo kuwo amni oo la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan isfaham darrada u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.

Safarka Mahad Salaad ee Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay mid gogol xaar u ah socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu halkaasi tago si uu qeyb uga noqdo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafaadka jira.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne QoorQoor uu ku adkeysanayo inuu ka qeyb galo tartanka siyaasadeed ee Galmudug, islamarkaana haddii aan loo oggolaan inuu ku tartamo Xisbiga JSP, uu diyaar u yahay inuu xisbi kale ku galo loollanka.

Arrintan ayaa la sheegay inay walaac ku abuurtay Villa Soomaaliya, oo doonaysa hannaan siyaasadeed oo ay si dhow ula jaanqaadayaan qorshayaasheeda doorasho.

Kulamadan ayaa imanaya xilli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan ay ka socdaan Galmudug, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadda dalka iyo doorashooyinka soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles