Ciidanka xoogga oo Jubbada Hoose ku qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose ku soo qabtay xubin ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Aadan, looguna yeeri jiray Aadan Haashim.

Ururka 162-aad ee Danab ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay isagoo watay qori noociisu yahay AK-47, islamarkaana ku sugnaa xaalad jahawareer ah xilligii ay ciidamadu gacanta ku dhigayeen.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in eedeysanuhu uu qirtay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay toddobaadyadii la soo dhaafay la kulmayeen dagaallo iyo duqeymo joogto ah oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgalada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha iyo firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab si loo xoojiyo amniga loogana saaro kooxda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka socda gobollada Koonfurta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles