Booliiska Banaadir oo Baadi-goob Ku haya eedeysanayaal lagu eedeeyay Xadgudub

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay socdaan howl-gallo iyo baaritaanno lagu raadinayo shaqsiyaad lagu eedeeyay falal xadgudub ah oo ka dhan ah gabar muwaadinad Soomaaliyeed, kuwaas oo muuqaalladooda lagu baahiyay baraha bulshada.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in eedeysanayaashan lagu arkay baraha bulshada iyagoo ku kacaya falal ka hor imanaya dhaqanka suuban ee Islaamka, anshaxa wanaagsan iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.

Booliiska ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan kiiska, islamarkaana ay socdaan baaritaanno iyo daba-gallo rasmi ah oo lagu soo qabanayo dadka lagu tuhunsan yahay falalkan, si sharciga loo horgeeyo.

Taliska ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashada eedeysanayaasha.

Dhanka kale, Booliiska Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyay bulshada in aan la oggolayn qabashada isu-imaatinno ama munaasabado soo dhoweyn ah oo loo abaabulo dadka caanka ka ah baraha bulshada sida YouTuber-ro iyo TikToker-ro, iyadoo la sheegay in isu-imaatin kasta oo dadweyne ay tahay inuu maro habraacyada sharciga, amniga iyo ilaalinta kala dambeynta bulshada.

Taliska Booliiska ayaa adkeeyay inay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles