Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in ay jiraan kooxo iyo shaqsiyaad si joogto ah ugu mashquulsan sidii ay u wiiqi lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kooxahaasi ay ku jiraan kuwo uu ku tilmaamay cadow dalka ka soo horjeeda, kuwaas oo 24 saac ku hawlan burburinta nidaamka dowliga ah.

Kuwo waxaa jira cadow ah oo 24 saac ku mashquulsan inay wiiqaan dowladnimada Soomaaliya. Kuwo badan oo gooni-u-goosad ah ayaa jira oo raba inay dalka kala gooyaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in jiraan dad kale oo doonaya inay kala qayb-qabtaan dalka, balse uu sheegay in aanay jirin cid u fulin karta damacaas.

“Waxaa jira kuwo ku mashquulsan inay dalka kala gooyaan, damacooda cid ka yeeleysa ma jirto,” ayuu raaciyay.

Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka iyo la dagaallanka cid kasta oo halis ku ah dowladnimada iyo amniga guud.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles