Ciidamada Qalabka Sida oo Dhoollatusyo u Diyaarinaya Xuska 1-da Luulyo

Magaalada Muqdisho iyo gobollo ka tirsan dalka ayaa waxaa ka socda diyaar-garowga munaasabadda 1-da Luulyo, oo ah maalinta loo asteeyay xuska xorriyaddii gobollada Koonfureed, midowgii Waqooyi iyo Koonfur, iyo aas-aaskii Jamhuuriyaddii Soomaaliya sannadkii 1960-kii.

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku jira tababarkii iyo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda.

iidamada ayaa la filayaa inay soo bandhigaan dhoollatusyo ciidan iyo bandhigyo kala duwan oo lagu maamuusayo maalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Munaasabadda sanadkan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo ka dhex jira hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kuwaas oo qaarkood ka aragti duwan hanaanka ay Dowladda Federaalka u waddo arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale, waxaa jira doodo siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka ay Somaliland la yeelatay Israa’iil, iyadoo arrintaasi ay noqotay mid si weyn loogu falanqeynayo saaxadda siyaasadda.

1-da Luulyo ayaa weli ah maalin astaan u ah xorriyadda, midnimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana sanad kasta lagu xusaa munaasabado ay hormuud u yihiin ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles