Monday, June 29, 2026

Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga oo la filayo inuu gaaro Garoowe

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jimcaale Jaamac Samatar (Takar), la filayo inuu maanta gaaro magaalada Garoowe, kaddib markii la sheegay inuu shalay tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sida ay tilmaamayaan ilo xog-ogaal ah, Taliye Jimcaale ayaa la filayaa inuu u gudbo Garoowe si uu ula wareego hoggaanka cutubyo ciidan oo Dowladda Federaalka ay sheegtay inay si toos ah uga amar qaataan, kuwaas oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in ciidamo la geeyo duleedka Garoowe, si loogu hortago dhaq dhaqaaqa taliye Jimcaale.

Toddobaadkii hore ayaa magaalada Laascaanood la geeyay agabyo ciidan, kuwaas oo ilo kala duwan ay sheegeen in qayb ka mid ah loogu talagalay ciidamada ku sugan deegaannada ku dhow Garoowe.

Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa ku loolamaya deegaanada maamulkaasi, iyadoo labada ciidan ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo ka wada Gobolka Nugaal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wadahadallada farsamo ee Iran iyo Maraykanku oo ka dhici doona Doha maalmaha soo socda

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan wadahadallada Iiraan...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan Miro-dhal ah la Qaatay Ra”iisul wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

RW Xamse“Muqdisho Hub Laguma Dhex Sito”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in...

Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo...

Ciidamada Qalabka Sida oo Dhoollatusyo u Diyaarinaya Xuska 1-da Luulyo

Magaalada Muqdisho iyo gobollo ka tirsan dalka ayaa waxaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles