Beesha Caalamka oo wadahadal siinaysa DF iyo Mucaaradka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay fariimo gaarsiiyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ku saabsan diyaar-garowga wadahadal la filayo inuu qabsoomo toddobaadyada soo socda ee bishan.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa oggolaaday in Golaha Mustaqbalka uu noqdo dhinaca si rasmi ah u matalaya mucaaradka Soomaaliya ee wadahadalka la yeelanaya Dowladda Federaalka, iyadoo ujeeddadu tahay in xal looga gaaro ismari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

Xogaha ayaa sidoo kale tilmaamaya in Beesha Caalamka ay u sheegtay Madaxtooyada in Dowladda Soomaaliya ay xor u tahay inay la kulanto ama la tashato siyaasiyiinta kale ee ay dooneyso, hase yeeshee wadahadalka rasmiga ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed uu si gaar ah u dhex mari doono Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Golaha Mustaqbalka

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles