Booliska Soomaaliya oo gubay Maandooriyeyaal lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay maandooriyeyaal kala duwan oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho, kuwaas oo lagu qiyaasay qiimahoodu inuu ka badan yahay 20 kun oo doolar.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan, ayaa sheegay in maandooriyeyaasha la gubay ay isugu jireen noocyada bili-bili iyo Tramadol, isagoo xusay in dalka loo soo geliyay si loogu dhibaateeyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Lacag ka badan 20 kun oo doolar ayaan maanta halkaan ku gubnay. Waxaa jira fursado badan oo bulshada looga faa’iideyn karo halkii lacagtaas loogu adeegsan lahaa waxyeellada shacabka,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Boolisku sii xoojin doono la dagaallanka maandooriyaha iyo cid kasta oo ku lug leh soo dejintiisa iyo ka ganacsigiisa.

“20 kun oo doolar oo lagu soo iibiyay bili-bili iyo Tramadol si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu dhibaateeyo, si adag ayaan ula dagaallami doonnaa ganacsatada ku lugta leh falalkaas,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago faafitaanka maandooriyaha iyo wax kasta oo halis ku ah caafimaadka iyo mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Wafdi ka socda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo magaalada Kigali loogu soo gabagabeeyay safar waxbarasho

Wafdi ka socda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka...

Mareykanka ayaa xatooyo ku soo eedeeyay labo qof oo Kenya u dhalatay

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ogaatay shabakad...

Meydka haweeney laga soo saaray burburka dhismihii ku dumay Islii, Nairobi

Shaqaalaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay meydka haweeney ka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles