Thursday, July 2, 2026

Ciidanka Uganda ee AUSSOM oo yeeshay taliye ku xigeen cusub

Ciidanka Difaaca Uganda ee, kana tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa yeeshay taliye ku xigeen cusub, kaddib markii Kornayl Juud Rukubya uu si rasmi ah xilka ugala wareegay Kornayl Faranasiis Obita Aragamoy, kadib dhammaadka muddadii shaqo ee sarkaalkii xilka hayay.

Munaasabadda xil wareejinta iyo xil la wareejinta waxaa guddoominayay Taliyaha Cutubka Uganda ee AUSSOM, Sareeye Guuto Jaakson Kayanja, kaas oo ammaanay Kornayl Faranasiis Obita Aragamoy, kuna bogaadiyay hoggaamintiisa, xirfaddiisa ciidan iyo dadaalkii uu muujiyay muddadii uu howlgalka ku jiray.

Sareeye Guuto Jaakson Kayanja ayaa sheegay in Kornayl Faranasiis Obita Aragamoy uu door muuqda ku lahaa howlgallo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Howlgalka Duufaanta Aamusan, Howlgalka Seefta Qarsoon iyo Howlgalka Hillaaca Gariiraya, kuwaas oo uu xusay inay door weyn ka qaateen xoreynta iyo xasilinta deegaanno dhowr ah.

Deegaannada uu tilmaamay waxaa ka mid ah Sabiid-Anoole, Bariire, Cawdheegle, Mubaarak, Daarusalaam, Jariib iyo Danane, kuwaas oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

“Kornayl Aragamoy si heer sare ah ayuu u gutay waajibaadkiisii intii uu ahaa taliye ku xigeenka cutubka.

Hoggaamintiisii howlgalada Duufaanta Aamusan, Seefta Qarsoon iyo Hillaaca Gariiraya waxay si weyn uga qayb qaadatay guusha howlgalka. Wuxuu ahaa sarkaal dadaal badan, daacad ah, isla markaana si wanaagsan ula shaqeeya dadka kale,” ayuu yiri Sareeye Guuto Jaakson Kayanja.

Dhankiisa, Taliyaha Cutubka ayaa si diirran u soo dhaweeyay Kornayl Juud Rukubya, isagoo muujiyay kalsooni buuxda oo ku aaddan in khibraddiisa iyo hoggaamintiisu ay sii xoojin doonaan awoodda ciidanka Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, si ay u gutaan waajibaadka AUSSOM.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Muuse Biixi oo Cirro ku eedeeyay marin-habaabin iyo safarro qarsoodi ah

Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa...

Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay...

Shixnad la sheegay inay Israa’iil ka timid oo soo gaartay Muqdisho

Warbaahinta laga leeyahay Lubnaan ee Al-Mayadeen ayaa baahisay warbixin...

Mareykanka iyo Sacuudi oo isku khilaafay dagaalka Iran

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay daabacday...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles