Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay hadalladii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isaga oo qoraal uu ku baahiyay boggiisa rasmiga ah ku dhaliilay hadalladaasi, kana bixiyay faahfaahin ku saabsan dood ka dhalatay arrimaha aqoonsiga iyo safarro dibadeed.
Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa ka jeediyay hadallo uu ku tilmaamay kuwo si khaldan loo fasiray, gaar ahaan arrinta la xiriirta in laba jeer aqoonsi laga helay dalalka Guinea Conakry iyo Itoobiya.
Biixi wuxuu sheegay inuusan marna ku dhawaaqin in uu “aqoonsi” rasmi ah ka soo helay dowladahaasi, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Cirro in uu been ka sheegay hadalkiisii hore. Wuxuu sidoo kale xusay in hadal uu hore uga jeediyay madaxtooyada maamulka Somaliland si khaldan loo jarjaray loona nuxur tiray.
Muuse Biixi ayaa sheegay in hadalkiisii saxda ahaa uu ahaa in aqoonsigu yahay mudnaanta koowaad ee maamulka Somaliland, balse loo baahan yahay in arrinta si taxaddar leh loo wajaho, dhinacyo badanna laga eego si aan khilaaf gudaha ahi uga dhalan.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay madaxtooyada maamulka Somaliland in ay meesha ka saartay hadallo kale oo muhiim ahaa, oo uu ka mid yahay hadal uu madasha ka jeediyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Daahir Rayaale Kaahin.
Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa Madaxweyne Cirro ku dhaliilay qaabka uu u maareeyay safarro dibadeed, isaga oo sheegay in Cirro uu qirtay inuu hore u booqday Israa’iil, safarkaasi oo sida uu sheegay laga qariyay shacabka iyo warbaahinta.
Biixi wuxuu intaas ku daray in safarkii ugu dambeeyay ee rasmiga ahaa ee Madaxweyne Cirro uu muddo ku sugnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halka wafdi wasiirro ah oo la socdayna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen Itoobiya, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid su’aalo badan dhalinaysa.
Hadalka Muuse Biixi ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka hadda talada haya iyo madaxdii hore ee maamulka Somaliland, iyadoo doodaha la xiriira aqoonsi raadinta, xiriirrada dibadda iyo jihada siyaasadeed ee maamulkaasi ay sii xoogeysanayaan.


