MW Xasan Sheekh “Israa’iil wax door ah kuma laha gobolka”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale cambaareeyay xirriirka Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhaawaqday ee Somaliland iyo Israa’iil.

Khudbad uu xalay ka jeediyay munaasabadda todobaadka xoriyadda, ayu uku sheegay in Israa’iil aysan wax door ah ku lahayn Soomaaliya iyo gobolka,

“Soo dhoweynta Israa’iil waa ceeb, waa cibaada xumo, naga daaya nama qabato”, ayuu yiri.

“Raggaas (Israa’iil) waa dad xun. Ma aha dad wanaagsan. Qarniyo badan ayaan ka fogaanaynay, haa nagu soo daynina,nimankaas dalkeena meel kuma laha, Soomaaliya ayaa nala yiraa, aduunyaduna way na taqaanaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Ilaahay idinkiis, Israa’iil ku guuleysan meyso inay geyigeena degto oo ay dhib la timaado, hormarna ma keento”, ayuu sii raaciyay.

Waa mid kamid ah hadallada adag ee uu yiraahdo madaxweyne Xasan tan iyo markii ay bilowday inay aqoonsato Somaliland.

Mucaaradka Somaliland ayaa sidoo kale arrintan si adag uga hadlay maalmihii u dambeeyay.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga falceliyay safaaradda ay Somaliland dhowaan ka furatay magaalada Qudus

“Xisbiga Kaah badheedhahiisa wuu caddeeyay maalin cad. Annagu ibriiq ku addimi mayno, sida qarandiidana madaxa dhulka gelin mayno,” ayuu yiri.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda goonni isu-taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu hadallo u soo gudbiyay, taas oo uu doonayo inuu ka jawaabo.

“Odaygu wuxuu sheegay in aanan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada Somaliland hadalkii aan ka jeediyayna waa kan: “Ictiraaf waynu u baahnayn, lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u ek tahay maahmaahdii ahayd “Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta koowaad ee dalkeenna JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeenna khilaaf uga iman”, ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Facebook-ga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles