RW Xamsa oo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay qeyb ka tahay diyaar-garowga ugu dambeeya ee munaasabadda caleemo-saarka, taas oo la filayo inay ka qeybgalaan madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale, saacadihii la soo dhaafay ayaa hawada sare ee magaalada Baydhabo lagu arkayay diyaarado dagaal oo dul heehaabaya magaalada, kuwaas oo la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshaha lagu sugayo amniga madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku wajahan ama ku sugan magaalada.

Magaalada Baydhabo ayaa gashay feejignaan amni oo sareysa, iyadoo la adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha, xarumaha dowladda, waddooyinka muhiimka ah iyo goobta lagu qabanayo munaasabadda caleemo-saarka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles