Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay qeyb ka tahay diyaar-garowga ugu dambeeya ee munaasabadda caleemo-saarka, taas oo la filayo inay ka qeybgalaan madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.
Sidoo kale, saacadihii la soo dhaafay ayaa hawada sare ee magaalada Baydhabo lagu arkayay diyaarado dagaal oo dul heehaabaya magaalada, kuwaas oo la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshaha lagu sugayo amniga madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku wajahan ama ku sugan magaalada.
Magaalada Baydhabo ayaa gashay feejignaan amni oo sareysa, iyadoo la adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha, xarumaha dowladda, waddooyinka muhiimka ah iyo goobta lagu qabanayo munaasabadda caleemo-saarka.


