MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi uu uga qeyb galayo Caleema Saarka Hoggaamiyaha iyo Guddoonka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoonka Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, Xubnaha Golaha Wasiiradda heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Magaalada Baydhabo ayaa gashay feejignaan amni oo sareysa, iyadoo la adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha, xarumaha dowladda, waddooyinka muhiimka ah iyo goobta lagu qabanayo munaasabadda caleemo-saarka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles