Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeer ku sameeyay ciidamada Shabeellada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka soo hooyeen hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku adkeeyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si dalka looga ciribtiro argagixisada.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda iyo diyaargarowgooda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo fulinta waajibaadkooda qaran si loo gaaro guulo waara.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalladu ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, laguna dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana lagu xoojinayo isku-duwidda hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles