Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qayb galay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada, xoojinta dowladnimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed xusuusan doonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah tiiraanyada iyo dareenka tacsida ula wadaagay ehellada Marxuumka, isaga oo Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu kasiiyo ehelkii, qaraabadii, dhaqanka soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles