Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeer ku sameeyay ciidamada Shabeellada Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka soo hooyeen hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku adkeeyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si dalka looga ciribtiro argagixisada.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda iyo diyaargarowgooda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo fulinta waajibaadkooda qaran si loo gaaro guulo waara.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalladu ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, laguna dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana lagu xoojinayo isku-duwidda hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles