Wasiirka Dekadaha oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada deegaanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimadu ku leeyihiin dowlad-dhiska, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada kaalinta muuqata ee ay ka qaateen xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan ilaalinta midnimada bulshada, nabadda iyo ka shaqeynta maslaxadda guud ee deegaanka iyo qaranka.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada ayaa si weyn ugu mahadceliyay Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) booqashadiisa iyo dadaalka joogtada ah ee uu ugu jiro u adeegidda shacabka iyo horumarinta dowladnimada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles