Wasiirka Dekadaha oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada deegaanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimadu ku leeyihiin dowlad-dhiska, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada kaalinta muuqata ee ay ka qaateen xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan ilaalinta midnimada bulshada, nabadda iyo ka shaqeynta maslaxadda guud ee deegaanka iyo qaranka.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada ayaa si weyn ugu mahadceliyay Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) booqashadiisa iyo dadaalka joogtada ah ee uu ugu jiro u adeegidda shacabka iyo horumarinta dowladnimada.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles