Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa dhegeysatay qiraalka 43 muwaadiniin Soomaali ah oo lagu eedeeyay falal la xiriira burcad-badeednimo, kuwaas oo si rasmi ah u qirtay dambiyada loo haysto, isla markaana maxkamadda ka codsaday in loo tixgeliyo duruufahooda loona yareeyo xukunka lagu ridi doono.
Eedeysanayaashan ayaa ka mid ahaa 44 qof oo ay ciidamada badda Hindiya qabteen bishii Maarso 2024, kadib laba hawlgal oo lagu soo furtay maraakiibta MV Ruen iyo Al-Kambar 786, kuwaas oo la sheegay in la afduubay, halka shaqaalihii saarnaana lagu haystay madax-furasho.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Hindiya, ciidamada badda ayaa badbaadiyay shaqaalihii maraakiibtaasi, kaddibna eedeysanayaasha waxaa loo gudbiyay booliiska magaalada Mumbai si dacwad rasmi ah loogu soo oogo.
Dowladda Hindiya ayaa ku soo oogtay dacwado ay ka mid yihiin afduub lagu dalbanayay madax-furasho, ku xadgudubka sharciga la-dagaallanka burcad-badeedda badda, sharciga hubka, sharciga baasaboorrada iyo sharciga ajaanibta.
Qoraal ay u gudbiyeen maxkamadda, 43-ka eedeysane ayaa sheegay inay ku jiraan xabsi ku-meel-gaar ah muddo ku dhow laba sano, isla markaana ay la kulmeen dhibaatooyin ka dhashay kala duwanaanshaha luqadda, dhaqanka, cuntada iyo hab-nololeedka, iyagoo xusay inaysan haysan ehel ama saaxiibo u garab taagan.
Waxay sidoo kale caddeeyeen inay si iskood ah u qirteen dambiyada, ayna si buuxda u fahmeen eedaha loo haysto, isla markaana aan lagu qasbin go’aankaas.
Eedeysanayaashu waxay maxkamadda ka codsadeen in loo tixgeliyo duruufahooda, iyagoo sheegay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee lagu soo eedeeyo fal noocan oo kale ah, isla markaana ay yihiin dad sabool ah oo ka soo jeeda dal xiriir diblomaasiyadeed wanaagsan la leh Hindiya.
Maxkamadda ayaa dib u dhigtay go’aanka kiiska si eedeysanayaasha loo siiyo waqti dheeraad ah oo ay dib ugu eegaan qirashadooda ka hor inta aan si rasmi ah loo aqbalin ama xukunka loo ridin.


