Saturday, July 25, 2026

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyadoo Agaasimaha Guud uu uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu la wadaagay muhiimadda ay leedahay fududeynta adeegyada dal-ku-galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalaya Turkiga, wadaagista khibradaha, iyo bixinta tababaro lagu horumarinayo xirfadaha saraakiisha socdaalka Soomaaliyeed.

Danjire Alper Aktaş ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Agaasimaha soo dhoweynta diirran iyo wada hadallada mira dhalka ah, isagoo ballan qaaday in la sii xoojinayo iskaashiga labada dal. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha socdaalka ee labada dhinac ay yeeshaan xiriir wada shaqeyn joogto ah si loo horumariyo adeegyada socdaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo soo bandhigtey waxqabadkeeda muddo 4 sano ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles