Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyadoo Agaasimaha Guud uu uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu la wadaagay muhiimadda ay leedahay fududeynta adeegyada dal-ku-galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalaya Turkiga, wadaagista khibradaha, iyo bixinta tababaro lagu horumarinayo xirfadaha saraakiisha socdaalka Soomaaliyeed.

Danjire Alper Aktaş ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Agaasimaha soo dhoweynta diirran iyo wada hadallada mira dhalka ah, isagoo ballan qaaday in la sii xoojinayo iskaashiga labada dal. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha socdaalka ee labada dhinac ay yeeshaan xiriir wada shaqeyn joogto ah si loo horumariyo adeegyada socdaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles