Sunday, February 15, 2026

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo ku Dhawaaqay Dagaal ka Dhan ah Somaliland

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland, isagoo ballan qaaday in awood ciidan ay ku qabsan doonaan magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada kale ee gobolka Sanaag. Hadalkan ayaa yimid xilli uu xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood, oo lagu xusayay sannad-guurada maamulka SSC-Khaatumo.

Khudbadda hoggaamiyaha ayaa si cad u tilmaantay ujeeddada maamulka SSC-Khaatumo ee ku wajahan gobolka Sanaag. “Reer SSC meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa Ceerigaabo iyo dhulalka kale ee gobolka Sanaag inta ay naga maqan yihiin. Waa in halganka aan ugu jirno difaaca dhulkeenna iyo masiirkeenna uu noqdaa mid dhammeystiran,” ayuu yiri Cabdiqaadir Firdhiye.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in dadkii maamulka SSC-Khaatumo ee ku noolaa Ceerigaabo laga soo saaray, islamarkaana hantidooda iyo dhulalkooda ay qabsadeen maleeshiyaad uu ku sheegay kuwa Somaliland. Wuxuu si kulul u eedeeyay Somaliland, isagoo ku hanjabay in awood ciidan lagu soo celin doono dadkaasi iyo hantidooda.

Dhawaan, Ceerigaabo waxaa ka dhacay dagaallo goos-goos ah oo u dhexeeyay SSC-Khaatumo iyo Somaliland, kuwaas oo ka dhashay muran dhuleed iyo colaado qabiil oo muddo dheer soo jiitamayay. Magaalada ayaa sidoo kale lagu wada degganaa heshiis qabiil oo afar beelood ah, balse xaaladda ayaa markale faraha ka baxday, sida uu sheegay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Colaadda u dhexeysa SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa salka ku haysa muran ku saabsan lahaanshaha iyo maamulka deegaannada Sool, Sanaag, iyo Cayn. Dagaalladii dhawaanahan dhacay ayaa sababay khasaare xooggan oo naf iyo maalba leh, iyadoo labada dhinac ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland inay weerarro ku hayso bulshada deegaanka, isagoo ku adkeystay in maamulkiisu uu sii wadi doono halganka uu ku difaacayo deegaannada SSC. “Waxaan ku dadaali doonnaa in dadkeenna la soo celiyo, dhulkoodana gacanta lagu soo dhigo. Tani waa mid aan ka noqon doonin,” ayuu ku daray Firdhiye.

Inkasta oo labada dhinac ay sii wadaan hanjabaadaha iyo dhaqdhaqaaqyada milatari, haddana weli xal buuxa looma helin muranka dhuleed iyo colaadihii soo jireenka ahaa.

Dadka deegaanka ayaa weli ku jira xaalad cabsi leh, iyadoo dagaallada soo noqnoqda ay sababeen barakac iyo dhibaatooyin nololeed oo baahsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya

Shir.madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay...

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles