Koox Burcad ah oo Sii Daayay Markab Kaluumaysi oo Laga Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in koox burcad ah ay ugu dambeyntii sii daayeen markab kalluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya 27-kii November 2024.

Markabkan, oo ay saarnaayeen 18 shaqaale kana diiwaangashan dalka Shiinaha, ayaa u adeegayay shirkad kalluumeysi oo laga leeyahay Taiwan. Shirkaddan ayaa kalluunka u iibgeysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato ka soo jeeda Puntland.

Afduubka markabka ayaa ka dhacay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari. Tan iyo markii uu markabku gacanta u galay burcadda, waxaa socday wadahadallo adag oo u dhexeeyay ganacsatada markabka iska leh iyo kooxdii qafaashtay.

Kooxdii burcadda ahayd ayaa markii hore ku adkeysatay dalab madax-furasho ah oo gaaraya $10 milyan. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada oo socday muddo dheer ayaa ugu dambeyn sababay in kooxdu ku qanacdo $2 milyan oo madax-furasho ah. Lacagtaas ayaa lagu bixiyay, taas oo horseedday sii daynta markabka.

Xeebaha Soomaaliya ayaa caan ku noqday afduubyada loo geysto maraakiibta caalamiga ah, inkastoo sannadihii dambe ay hoos u dhacday awooddii iyo saameyntii burcad-badeedda Soomaalida. Falalkan, oo saamayn ku yeeshay maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah, ayaa weli laga dareemayaa qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

WARARKII KALE

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles