Mareykanka oo duqeeyay maraakiibta shidaalka ee Iran

Ciidamada Maraykanka ayaa weeraray shan markab oo nooca qaada shidaalka oo Iran leedahay, iyaga oo sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay laba weerar oo Iran ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku qaaday markab dagaal oo Maraykan ah.

Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka, CENTCOM, ayaa sheegay in afar ka mid ah Maraakiibta, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iran, lagu bartilmaameedsaday Badda Cumaan.

Markabka Shidaal ee shanaad ayaa lagu weeraray meel u dhow jasiiradda Kharg, oo ah xarun weyn oo dhoofinta saliidda ah oo ku taalla xeebaha Iran ee Gacanka.

Iran ayaa jawaab uga bixisay weerarrada Maraykanka iyadoo gantaallo ku tuurtay saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun.

Si kastaba, Urdun ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay soo rideen 18 ka mid ah 20-ka gantaal ee Iran ay ku tuurtay dalka.

Weerarrada is-daba-joogga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ayaa toddobaadkan sii xoogeysanayay, in ka badan lix bilood kadib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay 28-kii Febraayo weerarro ka dhan ah Iran qaadeen.

Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay bilowgii ganacsiga suuqyada Aasiya.

Shidaalka noocaBrent, oo ah halbeegga caalamiga ah, ayaa kor u kacday 1.5%, iyadoo fuushay $99.41 foostadii, halka shidaalka Maraykanka laga kala iibsado ay kor u kacday 1.6%, oo gaartay $94.55 foostadii.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles