𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Qaran ee Hoggaaminta (NLA), kaas oo ka shaqeeya horumarinta arrimaha hoggaaminta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa maamulka iyo guddigan ka dhagaystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha NLA , waxayna guddiga soo bandhigeen in la dhammaystiray xarumihii uu ku hawlgali lahaa akadeemiyadd , la dajiyay manhajkiisa, islamarkaasna xarumo iyo jaamacado waaweyn oo caalami ah la gaareen heshiisyo isfaham ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee ay ka qabteen akadeemiyadda , isaga oo sheegay in uu ku soo aadday markii loogu baahi badnaa:

“Waa in aan helnaa xarumo waxbarasho oo wax-ka-badel dhab ah ku sameeya nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo sare u qaada wacyiga qofka, badela hab fakarka qaldan, soona saara qof leh tayo hoggaamineed oo danta dalka iyo dadka ku qotanta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay xubnana uu la kulmay.

Ugu dambayn, waxa uu Ra’iisul Wasaaraha XJFS kula dardaarmay xubnaha ka socda Guddiga Sare iyo Maamulka Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaran ee (NLA) in ay la yimaadaan fikir wax looga beddelayo hab-dhaqannada bulshada ragaadiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa iyo qabyaaladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Mooshin laga gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la baabi’iyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles