Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Shiikh Xuseen, Shan iyo tobankii bishii Shanaad ee Sanadkaan 2026, falkaas ayaana ka dhacay Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo.
Kabtan Dhashiike & Marxuumka oo xiriir & wax is dhaafsi uusan ka dhaxeyn, kadib khilaaf horey uga dhaxeeyey, ayaa isku arkay guri ku yaalla dhanka Beeraha Luuq, Waxaana Eedeysanaha oo Sigaar heysta uu bilaabay inuu raadiyo Kabriid ama Jante, si uu u shito.
Waxa uu weydiistay Koofi oo labadaba Saaxib lahaa, Marxuumka oo lahaa Jantaha, ayaa Jeebka ku ritay, si diidmo ah, Eedeysanaha oo Intaas caro ka qaaday ayaana keentay inuu labo Baalooto oo AK 47 ah Ku dhufto Alle ha u naxariistee C/casiis Shiikh Xuseen, isla Goobtaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuumka.
Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii Bishaan September.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike Dil Toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdicasiis Shiikh Xuseen ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.


