Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u gudbiyay Senate-ka Mareykanka magacaabista dhowr danjire oo cusub, kuwaas oo ay ku jiraan safiirrada loo kala dirayo Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga, xilli ay gobolka Badda Cas iyo Bariga Dhexe ka jiraan xiisado amni oo sii kordhaya.

Devin Kennington ayaa loo magacaabay inuu noqdo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, halka diblomaasiga xirfadda leh Junaid Munir loo magacaabay Danjiraha Mareykanka ee Jabuuti. Sidoo kale, Xildhibaan Wesley Hunt, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa loo magacaabay Danjiraha Mareykanka ee Sacuudiga.

Kennington waa diblomaasi Mareykan ah oo hore uga soo shaqeeyay Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, waxaana xogta rasmiga ah ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay muujinaysaa inuu ka soo shaqeeyay arrimaha qunsuliyadda safaaradda.

Magacaabistiisa Soomaaliya waxay kusoo beegmaysaa xilli Muqdisho ay wajahayso xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka, heshiisyada siyaasadeed iyo xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Dhinaca kale, Junaid Munir waa diblomaasi xirfad leh oo muddo ka tirsanaa Adeegga Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaana magacaabistiisa Jabuuti ay kusoo beegmaysaa xilli dalkaasi uu muhiimad gaar ah u leeyahay istaraatiijiyadda Mareykanka ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Sacuudiga waxaa loo magacaabay Wesley Hunt, oo ah Xildhibaan Jamhuuri ah iyo sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada Mareykanka. Hunt wuxuu hore uga soo shaqeeyay Sacuudiga isagoo ahaa xiriiriye diblomaasiyadeed, sidoo kale wuxuu ciidanka Mareykanka uga soo shaqeeyay Ciraaq iyo Sacuudiga.

Magacaabista saddexdan danjire ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Badda Cas, Yemen iyo dalalka ku teedsan gobolka ay wajahayaan xaalad amni oo cakiran, oo ay ka mid yihiin weerarrada Xuutiyiinta iyo xiisadaha ka dhashay dagaallada gobolka. Reuters ayaa sheegtay in Hunt uu Riyadh tagi doono haddii Senate-ku ansixiyo, xilli Xuutiyiinta xiriirka la leh Iran ay weerarro ka geysteen Sacuudiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

Israa’iil oo sheegtay in ay dishay taliye milatari oo Xamaas ka tirsanaa

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay Isniintii Gaza ku dileen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles