Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay inay burburisay shabakado qarsoodi ah oo ay kooxda Al-Shabaab isku dayaysay inay ka dhex sameysato qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.
Howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada NISA ka sameeyeen deegaannada Darusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye ayaa lagu soo qabtay 11 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin shabakadaha Al-Shabaab.
Sida ay NISA sheegtay, shabakadaha la burburiyay ayaa la diyaarinayay si ay u fuliyaan falal amni darro iyo howlgallo halis gelin kara shacabka iyo amniga caasimadda.
Ciidamada NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo ay hay’addu sheegtay in dadka la qabtay loogu talagalay inay u adeegsadaan fulinta qorshayaashooda.
NISA waxay sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallo joogto ah oo lagu fashilinayo qorshayaasha Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan, gaar ahaan kuwa isku dayaya inay si qarsoodi ah uga dhex shaqeystaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Hay’addu waxay xustay in howlgallada noocan ah ay muhiim u yihiin ka hortagga weerarro iyo falal amni darro oo ay kooxaha hubeysan qorsheyn karaan ka hor inta aysan fulin.


