Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo ay ka qeybgalayaan madax iyo wakiillo ka kala socda dalalka caalamka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa khudbaddiisa furitaanka kaga hadlay xaaladda cakiran ee dunida, isagoo sheegay in kala-qaybsanaanta iyo khilaafaadka caalamku ay sii ballaaranayaan.

Guterres ayaa tilmaamay in dunidu ay ku wajahan tahay nidaam ay quwado badan awoodda ku leeyihiin, balse uu sheegay in kalsoonidii u dhexeysay dalalka iyo bulshooyinka ay sii daciifeyso.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday dagaallada iyo colaadaha socda, isbeddelka cimilada iyo saameynta sii kordheysa ee sirdoonka macmalka ah (AI).

“Awoodda waa in lagu maamulaa sharciga. Xooggu ma noqon karo garsooraha ugu dambeeya ee go’aamiya cidda nolosheeda iyo mustaqbalkeeda ay muhiim yihiin.”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in dunidu aysan lumin ama ka jeesan xaaladda “burburka iyo dhibaatada ba’an” ee ka jirta Gaza iyo dhulka Falastiiniyiinta la haysto.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles