Koofur Galbeed ayaa war ka soo saartay khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Qalabka Sida iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay in ka badan 70 maleeshiyaad ah, kuwaas oo ay ku jireen xubno ajaanib ah.
Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalka lagu furtay hub iyo gaadiid dagaal, halka gaadiid kale oo ay lahaayeen dagaalamayaashii la weeraray la sheegay in la gubay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu bilowday kadib markii la ogaaday dhaqdhaqaaqyo iyo walxaha qarxa oo ay maleeshiyaadku diyaarinayeen, iyadoo sidoo kale la adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones.
Koonfur Galbeed waxay sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, isla markaana ay iska caabiyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.
Madaxtooyada Koonfur Galbeed ma aysan shaacin khasaaraha soo gaaray ciidamadeeda ama shacabka, waxaana weli socda warar kala duwan oo ku saabsan khasaaraha guud ee dagaalka Baydhabo.


