Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan qorshe la sheegay in ciidamadeeda ay uga saarayaan Soomaaliya, kaddib warbixinno sheegayay in Addis Ababa ay qorshaynayso inay dalka kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari.

Warbixin ay dhawaan baahisay Bloomberg ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka bixi karaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda, iyadoo dib uga qarxay dagaallo ka socda gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, ay Addis Ababa ku qasbi karaan inay ciidamo u wareejiso gudaha dalka.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay Bloomberg ayaa sheegay in Muqdisho aan loo soo gudbin wax qorshe rasmi ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamada Itoobiya. Ilaa hadda sidoo kale ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Itoobiya oo ku saabsan qorshaha la sheegay.

Sidoo kale lama oga tirada ciidamada laga yaabo inay Soomaaliya ka baxaan iyo goobaha ay hadda ka howlgalaan. Lama xaqiijin in qorshuhu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada ku jooga heshiisyada amni ee labada dal, ama labada dhinacba.

Itoobiya ayaa Soomaaliya ku leh kumannaan askari oo qeyb ka mid ah ay ka howlgalaan AUSSOM, halka ciidamo kale ay dalka ku joogaan heshiisyo amni oo labada dowladood dhexmaray. Addis Ababa ayaa muddo dheer qeyb ka ahayd howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wararka ku saabsan suuragalnimada bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus ay dib uga qarxeen waqooyiga Itoobiya, iyadoo ciidamada dowladda iyo xoogagga Tigray ay dagaallo ku dhexmarayaan gobolkaas.

Reuters ayaa sidoo kale maanta sheegtay in ciidamada federaalka Itoobiya ay dib ula wareegeen garoonka diyaaradaha Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle, taas oo muujinaysa in xaaladda amni ee waqooyiga Itoobiya ay sii xumaanayso.

WARARKII KALE

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Masar, Eritrea, Sudan iyo Soomaaliya oo markii ugu horreysay shir madaxeed ku yeelanaya Al-Calamayn

Magaalada Al-Calamayn Al-Jadiid ee dalka Masar ayaa maanta lagu...

Duqeymo ka dhacaya Magaalada Sanca ee dalka Yemen

Ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa aroornimadii Axaddii sheegay...

MW Xasan Sheekh“Soomaaliya ma ahan oo keliya dal ka soo kabanaya colaado”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles