Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabay dhismaha xarun hawada sare (Spaceport) oo laga hirgelinayo Soomaaliya.
Erdoğan ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, dayax-gacmeedyada iyo hawada sare.
Madaxweynaha Türkiye ayaa tilmaamay in dalkiisa uu doonayo inuu sare u qaado awoodda uu u leeyahay gaarista hawada sare, iyadoo Soomaaliya loo arko meel muhiim u ah hirgelinta qorshahan sababo la xiriira juqraafi ahaan halka ay ku taallo.
Wuxuu sheegay in mashruuca Soomaaliya uu sidoo kale qayb ka yahay Barnaamijka Qaran ee Hawada Sare ee Türkiye, kaas oo Ankara ay ku doonayso inay ku gaarto awood madax-bannaan oo dhinaca hawada sare ah.
Erdoğan ayaa xusay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu yahay mid taariikhi ah, isagoo Soomaaliya ku tilmaamay dal saaxiib iyo walaal ah.
Mashruuca xarunta hawada sare ayaa haddii la dhammaystiro Soomaaliya siin kara door cusub oo ku saabsan hawlaha hawada sare ee Afrika, iyadoo sidoo kale Türkiye ay ka heli karto goob istiraatiiji ah oo ay uga sii horumariso barnaamijkeeda dayax-gacmeedyada iyo gantaallada hawada sare.


